"Had ‘adda Kaalmo oo maanta Deeq Raashiin Gaarsiiyay 100 Qoys oo Ku nool Deegaanada dhaca Galbeedka Kismaayo.."

Initiatives.

Blog Clasic

Iyadoo ay tahay Maalinta 1-aad ee bisha barakaysan ee Ramadaan, ayaa Hay’adda Daryeelka bulshada ee Kaalmo Waxa ay deeq raashiin oo afur ah gaarsiisay qoysas danyar ah oo kunool deegaanada dhaca Galbeedka magaalada Kismaayo, kuwaas oo ay aad u saameysay abaarta daba-dheeraatay ee ka jirto guud ahaan wadanka.

Raashiinka loo qeybiyay wuxuu ahaa rajo iyo garab istaag, si dadka nugul ay u helaan afur sharaf leh, waxaana suura geliyay walaalaha Soomaaliyeed ee kheyr-jecel kuwaas oo mar walba garab istaagan Hay’adda KAALMO. Alle haka abaalmariyo camalkan kheyrka ah.

Agaasimaha Hay’adda KAALMO Community Welfare Samafale Iidle Aadan Maxamed ayaa sheegay in ay ka go’an tahay garab istaaga iyo u adeegidda bulshooyinka Soomaaliyeed ee ay saameeyeen abaaraha iyo musiibooyinka dabiiciga ah, inta lagu guda jiro bisha Ramadaan ay sii xoojin doonaan Raashin qeybinta iyo biyo dhaaminta ay u sameynayaan dadka ay ku adag tahay helida biyo nadiif ah iyo raashin ay dhigtaan Afur iyo Saxuur.

 


Viewed : 00

00 Comments

Leave a Comment