Programs & Events.
Hay’adda Kaalmo Community Welfare waa hay’ad samafal oo ka shaqeysa horumarinta nolosha bulshada, iyadoo diiradda saarta adeegyada aasaasiga ah sida helida biyaha nadiifka ah, caafimaadka iyo gargaarka bini’aadantinimo.
Deegaano badan oo dalka ayey mashaariic kala duwan ka hirgalisay, deegaano ku dhow magaalada Baydhabo waxaa ka jiray biyo la’aan baahsan, taasoo saameyn weyn ku yeelatay nolosha bulshada, gaar ahaan haweenka, carruurta iyo dadka nugul.
Bulshadu waxay ku tiirsaneyd ilo biyo oo fog ama aan nadiif ahayn, taasoo keentay dhibaatooyin caafimaad iyo waliba mid nololeed.
Mashaariic loogu hirgaliyay ceelal biyood ayaa jiray, waxaa loogu talagalay iney ka faa'iideystaan dadka wajahaya xaaladaha ay kamid yihiin biyo la'aanta iyo abaaraha, Mashruucani celal boyoodyada waxaa si toos ah uga faa’iideystay boqolaal qoys, wuxuuna door muhiim ah ka qaatay horumarinta nolosha iyo badbaadinta bulshada ku nool deegaanada hoos yimaada magaalada Baydhabo.