Insights.
Soomaaliya Soomaaliya waxay wajahaysaa abaare xun oo sii xumeynaysa nolosha dadka biyo la’aan baahsan ayaa jirto, kadib gu’ iyo deyr roobaad oo labadaba aan sidii la rabay bloo helin, maadaama roobabku ay aad u yaraadeen.
In ka badan 4.6 milyan oo qof ayaa si toos ah u dareemaya saameynta biyo la’aanta iyo cunto la’aanta ee ka jirta dalkeena, taas oo qeyb ka ah dhibaatada guud ee abaarta ku reebtay dadka iyo duunyada.
Dadka ay abaartu saameysay waxay u safraan meelo dhaadheer si ay u helaan biyo ay cabaan, iyadoo ay ku dadaalayaan sidii ay naftooda u badbaadin lahaayeen, Ilo badan oo biyaha laga heli jirey ayaa gabi ahaanba baaba’ay, meelo badan oo gobolada ayaa si weyn looga dareemay sida Gobolada Bay, Bakool, Gedo, Galgaduud, Hiraan iyo qaybo kale oo ka mid ah dalkeena.