Programs & Events.
Baydhabo(23/2/2026). Hay‘adda daryeelka bulshada ee Kaalmo ayaa 100-kii Qoys ee labaad gaarsiisay deeq raashin dadka danyarta ee abaarta saameysay ee kunool duleedka magaalada Baydhabo ee xarunta Gobalka Bay.
Deeqda oo isugu jirto raashinka noocyadiisa kala duwan ayaa loogu talagalay iney afur ka dhigtaan dadka ay xoolaha ka dhamaadeen ee kunool duleedka Baydhabo.
Hay‘adda daryeelka bulshada ee Kaalmo oo kaashaneyso walaalaha Muxsiniinta ee ku xiran iyo Samafale Mahamed Abdisalaan (Kaariye) ayaa deeqdaasi gaarsiisay danyarta abaarta saameysay ee kunool duleedka magaalada Baydhabo.