Programs & Events.
Kooxda Hay’adda Daryeelka Bulshada ee Kaalmo ayaa sanadkii labaad oo xiriir ah ka qeyb galeysa tartanka kubadda cagta ee Ramadaanka Salaxa Dhuux, tartankan oo ah mid si weyn looga xiiseeyo magaalada ayaa lagu qabtaa bisha barakeysan ee Ramadaan, waxaana ka qeyb gala kooxo kala duwan oo ka dhisan xaafadaha magaalada iyo ganacsiyada qaar ee magaalada.
Kooxda Kaalmo oo mataleysa Hay’adda Daryeelka Bulshada ee Kaalmo ayaa sanadkan la timid diyaargarow xooggan iyo ciyaartoy da’yar oo leh karti iyo hammi sare. Kulankeedii ugu horeyeyna guul 4-3 ayey ku furatay, halka kulankeedii labaadna ay guul weyn oo 5-3 ah ka gaartay tartanka.
Tartanka Ramadaanka Salaxa Dhuux ayaa noqday mid muhiim u ah dhalinyarada ku nool degmada Kismaayo, maadaama uu dhiirrigeliyo ciyaaraha, caafimaadka, iyo wadajirka bulshada inta lagu guda jiro bisha barakeysan. Sidoo kale, taageerayaal badan ayaa u soo daawasho taga garoonka si ay u arkaan ciyaaraha xiisaha leh ee kooxaha ka qeyb galaya tartanka.